XASAASI: Barcelona Oo Durba Bilowday Iibinta Maaliyada Xiddig Lala Xidhiidhinayo Inkasta Oo Ayna Dhamaystirin Saxiixiisa.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid ku dhaw saxiixa xiddiga Memphis Depay kaas oo muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixiisa.

Depay ayaa xor uga tagi doona kooxdiisa Lyon dhamaadka bishan waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer Holland.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa si khaldan u suuqa u dhigtay maaliyada Memphis Depay inkasta oo aanay dhamaystirin saxiixa xiddiga kaas oo haatan ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa.

Bakhaarka Barcelona ee Internet-ka ayaa lagu daabacay maaliyada xiddiga iyaga oo durba la iibinayo inkasta oo ayna kooxdu ku dhawaaqin ama dhamaystirin saxiixa xiddiga reer Holland.

Image


Source: laacibfm

SHARE