Xiddig Man United U Ciyaara Oo Loo Soo Bandhigay Real Madrid.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay Anthony Martial ugala soo wareegi karto Manchester United xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa xlli ciyaareedkii dhamaaday ku dhamaystay dhaawac jilibka ah oo ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa waxana uu dhaliyay 4 gool halka uu caawiyay 6 kale 22 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa Premier League.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo ay ka mid yihiin Jadon Sancho, Harry Kane iyo Erling Haaland taas oo shaki galinaysa mustaqbalka Martial ee Man United.

Sida laga soo xigtay Transfer Window Podcast, Wakiilka Martial ayaa la xidhiidhay Real Madrid si ay ugu soo bandhigaan saxiixa xiddiga 25 jirka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu heshiis walba oo dhici doona marka hore noqon doono mid ahaam ah iyada oo Real Madrid dookh u haysata in ay si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga dambe.


Source: laacibfm

SHARE