Xiddiga Ay Chelsea Bartilmaameedkeeda 1-aad Ee Suuqa Ka Dhiganayso Oo La Ogaaday.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay inay keento xiddiga Real Madrid Raphael Varane Stamford Bridge inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Daafaca dhexe ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Real Madrid waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa weli si xoogan loola xiriirinayaa Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka waxana ay Real Madrid ku qiimaysaa lacag dhan 70 milyan euro.

Wararka dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in ay Man United haatanba heshiis 5 sano ah u soo bandhigtay xiddiga si uu ugu soo dhaqaaqo Old Trafford xagaagan.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Foot Mercato, Chelsea ayaa si aad ah u doonaysa xiddiga reer France waxana ay ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE