Xulalka Switzerland & Wales Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay Kulan Xiiso Yeeshay Qaybtii Dambe Ee Ciyaarta.

Xulka qaranka Switzerland ayaa garaacay dhigoda Wales kulan ka dhacay Baku Olympic Staduim kana tirsanaa Group-Ka A ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka qaranka Switzerland Ahaa mid fiican marka laga hadlo fursadaha iyo waliba maamulista ciyaarta xilli xulka Wales kaliya helay hal fursad qaybtii hore ee ciyaarta inta badana daafac ku jiray.

Xulka Switzerland ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool laakiin xulka Wales ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u difaacan lahaayeen goolkooda qaybta hore iyaga oo xulka Switzerland helay fursado halis ah.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada xulba wax gool ah kala dhalin laakiin Switzerland kaliya ka maqnayd in ay gool dhaliyaan.

Qaybtii dambe ayuu xulka Switzerland ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli xulka Wales sidii qaybtii hore difaac ku jiray.

Daqiiqadii 49-aad ayuu xulka Switzerland helay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Breel Embolo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 uu xulkiisu ku hogaaminayay ciyaarta.

Kadib marki goolka laga dhaliyay xulka Wales ayaa hurdada ka kacay iyaga oo isku dayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta goolka bar-barahana dhaliyaan laakiin dhibaatada ugu weyn ee haysatay ayaa ah in ay ku dhibaatoonayeen in ay kubada ku laadaan goolka Switzerland.

Xulka Wales ayaad moodayba in ay u baahnaayeen in gool laga dhaliyo iyaga oo qaab dar-dar leh u ciyaaray waliba ciyaarta kala wareegay xulka qaranka Switzerland kuwaas oo difaac galay kadib goolka.

Daqiiqadii 74-aad ayuu xulka waranka Wales dhaliyay goolka 1-aad ahna bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kieffer Moore kaas oo madax u dhaliyay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/1.

Xulka Wales ayaa wixii intaas ka dambeeyay u dadaalayay in ay dhaliyaan goolka kale xilli uu xulka Switzerland  u muuqday kuwo daalan waliba aan qaadayn weeraro badan oo ay ku doonayeen goolal kale.

Xulka Switzerland ayaa daqiqiadii 85-aad dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Mario Gavranović laakiin VAR ayaa diiday Goolkaas sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga goolka dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo  ay labada xul isku dhaafi waayeen bar-baro 1/1 ah kuna kala qaybsadeen dhibcaha kulanka bar-barana ku bilowdeen tar-tanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE