Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Man United & Xiddig Khadka Dhexe Ah Oo A Ka Doonayaan.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda Man United oo ay ka doonayso xiddiga khadka dhexe ee Donny Van De Beek sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah waxana ay u muuqataa in ay bartilmaameed ka dhigteen xiddiga reer Holland.

Van de Beek ayaa ku dhibaatooday kooxda Man United tan ilaa markii uu 40 miyan ugu soo biiray kooxda suuqii xagaagii hore.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa kooxda Man United u saftay 32 kulan tartamada oo dhan laakiin ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kooxda isaga oo dhaliyay hal gool hal kalena caawiye ka noqday.

Wargayska 90min ayaa sheegaya in ay Arsenal wax ka waydiisay man United helitaanka xiddiga iyaga oo diyaar u ah in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.


Source: laacibfm

SHARE