Barcelona Oo Doonaysay In Ay Ku Dhawaaqdo Saxiixa Memphis Depay Maanta Laakiin….

Kooxda Barcelona ayaa wali ka shaqaynaysa saxiixa xiddiga Memphis Depay laakiin wadahalada ayuu istaag yar ku yimid sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa doonaysay in ay saxiixa Memphis Depay ku dhawaaqdo maanta oo Axad ah laakiin haatan heshiiska ayaa u dhici doona ilaa dhamaadka tartanka Euro maadama uu xiddigu diirada saari doono tartanka Euro 2020 oo uu kala qayb gali doono xulka qarankiisa Holland.

Masuuliyiinta kooxda ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonaan saxiixa xiddiga waliba iska ilaalin doonaan khaladkii ay sameeyeen ee keentay in ay PSG ku garaacdo saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum.

Qorshihii ugu horeeyay ayaa ahaa in ay saxiixa Memphis ku dhawaaqdo jimcihii la soo dhaafay laakiin dib u dhac ku yimid wadahalada ayaa keentay in ay suurtagali waydo xiddiga ayaana haatan sheegay in uu diirada saari doono tartanka Euro 2020.

Xiddiga ayaa ah mid xor ah sidaas darteed qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigo tartanka Euro 2020 waxa ay sabab u noqon kartaa in uu xiiso ka helo kooxo kale oo reer yurub ah.


Source: laacibfm

SHARE