Jose Mourinho Oo Saadaalin Ka Bixiyay Kulanka Xulka England La Ciyaari Doono Croatia.

Tababarihii hore ee Tottenham Jose Mourinho iyo halyeeyga  ayaa kulanka qaranka Enland u saadaaliyay in ay garaacaan xulka Croatia kulankooda furitaanka Euro 2020.

Xulka Qaranka England ayaa maanta bilaaban doona tartanka Euro 2020 waxana ay la ciyaari doonaan xulka Croatia kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

England ayaa isha ku haysa in ay si fiican ku bilaabo tartanka Euro 2020 iyo waliba in ay iska xaadiriyaan wareegyada xiga ee tartanka maadama uu culays ku saaran yahay in ay meel fiican ka gaadhaan tartanka.

Mourinho ayaa u sheegay The Times: “England waligeed kuma guuleysan kulankoodii furitaanka ee Euro laakiin waxaan filayaa inay maanta ka adkaadaan Croatia”.

“Dabcan ma ahan ciyaar fudud, laakiin hadii ay qaadaan weeraro rogaal celis ah waliba jabiyaan awooda khadka dhexe ee xulka Croatia waxa aan rumaysanahay in xulka England ka bixi karo rikoodhkoda xun ee kulanka furitaanka”.

Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Real Madrid ayaa intaas ku daray: “Haddii aad u ogolaato Marcelo Brozovic, Mateo Kovacic iyo Luka Modric inay haystaan ​​kubbada, way kaa qarin karaan”.


Source: laacibfm

SHARE