Kulamada Euro 2020 & Copa America 2021 Ee La Ciyaari Doono Maanta

Waxa maanta la ciyaari doonaa kulamo xiiso leh oo ka tirsan tartamada Euro 2020 iyo waliba Copa America 2021 kaas oo maanta si Rasmi ah u bilaaban doona.

Kulamada Euro 2020 xulka England ayaa marti galin doona xulka Qaranka Croatia kulanka ugu adag ee maanta dhici doona tartanka kulan soo gali doona 4 galabnimo wakhtiga Somaliya.

Dhanka kale xulka Austaria ayaa la ciyaari doona xulka yar ee North Macedonia kulan soo gali doona 7:00 Fiidnimo ee wakhtiga Somaliya.

Waxa kadib bilaaban doona Group-ka C iyada oo ay wada ciyaari doonaan xulalka Netherland iyo Ukraine kulan soo gali doona 10:00 habeenimo wakhtiga somaliya.

Kadib waxa isha lagu hayaa bilaabashada Copa America 2021 Kaas oo ka bilaaban doona dalka Brazil kaas oo u dhexeeya xulalka Brazil iyo Venezuela kaas oo soo gali doona 12:00 Habeenimo wakhtga Somaliya.


Source: laacibfm

SHARE