Man United Oo Diyaarinaysa Dalab Cusub Oo Ay Ku Doonayso Jadon Sancho, Imisa Ayay La Diyaar Tahay Markan.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay la soo laabato dalab cusub oo ka fiican markii hore ee ay ka gudbisay weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho, sida lagu sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa dib u soo cubsoonaysiisay xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii ay xagaagii hore ku fashilantay in ay Dortmund kala heshiiso qiimaha xiddiga.

Si jasta ha ahaatee United iyo Dortmund ayaa aad ugu kala fog qiimaha lagu qiimeeyo xiddiga iyada oo United dalab 67 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Dortmund ayaa doonaysa dalab dhan 90 milyan oo euro.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay kooxda Man United haatan diyaarinayso dalab cusub oo ah 86 milan oo euro si ay Dortmund ugu tijaabiso go’aankeeda ku aadan qiimaha.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa in ay Dortmund diido dalabkaas maadama ay si cad u sheegtay in ayna diyaar u ahayn in ay aqbasho wax ka yar 90 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE