Raheem Sterling Oo Guul Dirqi Ah Ku Hogaamiyay Xulka Qaranka England, Croatia Ayay Garaaceen.

Xulka qaranka England ayaa guul dahabi ah ka gaadhay dhigiisa Croatia oo marti ugu ahaa garoonka Wembley ee magaalada London, kulanka oo qaybtii hore ahaa mid lagu caajisay ayay qaybtii dambe wax yar ka xiiso badnayd midkii hore.

Raheem Sterling oo aan u muuqan mid wacan qaybtii hore ayaa awooday inuu goolka madiga ah ee dhibcaha keenay u dhaliyo xulkiisa kaddib caawin cajiib ah oo uu ka helay Kalvin Phillips.

Da’yarka England ee Phil Foden ayaa ku dhawaaday inuu akoonka goolasha furo, daqiiqadii 6-aad ayuu garabka midig kala soo xarooday kubadda isaga oo laagay balse darbadiisa ayaa birta goolka xagal hoose ka haleeshay.

Kalvin Phillips ayaa markiisa ku dhawaaday inuu hoggaanka u dhiibo England, xiddiga Leeds ayaa sideeda u celiyay kubad koorne ahayd oo ay goolkooda ka difaaceen xiddigaha Croatia balse goolhaye Livakovic ayaa badbaadin cajiib ah ku saaray.

Qaybta koowaad oo ahayd mid fursado badan oo dhab ah aan la isku abuurin isla markaana caajis badan ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah.

Luka Modric ayaa daqiiqadii 55-aad meel fog ka tijaabiyay goolka England balse darbadiisa ayuu si sahlan ku xakameeyay goolhaye Jordan Pickford.

GOOAL: Goolka furitaanka ee kulanka ayaa yimid Raheem Sterling ayaana hoggaanka u dhiibay xulka saddexda libaax, Kalvin Phillips oo kulankan wacdarro ka dhigay ayaa kubadda la maray xiddig Croatia ah waxaana uu baas u dhiibay Sterling oo boos qaatay goolkana hor taagay iyadoo xiddiga Man City uu kaliya darbeeyay goolkana dhex dhigay kubadda.

Harry Kane ayaa khasaariyay fursad dahabi ah daqiiqado kaddib goolka furitaanka, Mason Mount ayaa kubadda afaafka hore ee goolka dhigay waxaana fursada oo kaliya in kubadda goolka lagu qabto u baahnayd si lama filaan ah goolka u dul mariyay Harry Kane.

Xulka Croatia ayaa sameeyay markiisa fursad fiican Ante Rebic ayaa goolka ku hor helay kubad kasoo noqotay daafaca England, xiddiga AC Milan ayaa lugtiisa aan xooganay ee bidixda ku laagay kubadda oo dhinac mariyay goolka.

Mason Mounta ayaa laad xor ah oo uu daqiiqadii 67-aad ku laagay goolka wax yar u mariyay birta sarre ee goolka.

Tyrone Mings ayaa madaxeeyay oo soo celiyay kubad baxaysay isaga oo u taagay Raheem Sterling balse kubadda oo uu meel banaan ku helay ayuu Sterling hawada sarre u diray isku daygiisii.

Ugu dambayn kulanka oo ay qaybtii dambe fursad abuuristu yaraatay ayaa kusoo dhammaaday guul 1-0 ah oo uu gaadhay xulka England.


Source: laacibfm

SHARE