Tababarihii Hore Ee Xulka Qaranka Spain Vicente del Bosque Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2020.

Tababarihii hore ee xulka Spain Vicente del Bosque ayaa shaaca ka qaaday musharixiinta ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2020.

Del Bosque ayaa xulka Spain ku hogaamiyay koobka adduunka ee 2010 iyo tartanka Euro 2012 isaga oo dhisay xul adduunka oo dhan laga cabsado.

Tababare Del Bosque oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Uma malayanayo in aan wax cusub sheegi doono”Xulalka Portugal, Germany iyo France ayaa isku Group ah”.

“Sidoo kale xulalka Italy iyo Spain ayaa kulamo adag ciyaari doonaa sidaas darteed ma ogaan karno waxa dhici doona”.

“Sidaas darteed xulalka ugu cad-cad waa xulalka” Spain, Italy, Portugal, Germany iyo France”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Source: laacibfm

SHARE