Xulka Austria Oo Garaacay Xulka Yar Ee North Macedonia Sidaasna Ku Gaadhay Guushoodii Ugu Horaysay Ee Tartanka Euro-da.

Xulka qaranka Austria ayaa guul ka gaadhay xulka North Macedonia kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada xul ayaa is dhaafsaday weerarada iyada oo ciyaartu ahayd mid furan oo labada xulba ka go’nayd in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ayuu xulka Austria dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Stefan Lainer kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Laakiin Xulka North Macedonia ayaa 10 daqiiqo kadib bar-bareeyay ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khabiirka ah ee Goran Pandev kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 daqiqiadii 28-aad.

Xiddiga Goran Pandev ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu da’da weyn ee tartanka Euro-da gool ka dhaliya Isaga oo jira 37 sano iyo 321 maalin.

Goolkaas ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee uu xulka North Macedonia ka dhaliyo tartamada yurub taariikhdooda maadama ay markii ugu horaysay ka soo qayb galeen tartanka.

Qaybtii dambe xulka Austria ayaa maamulayay ciyaarta laakiin xulka North Macedonia ayaa dhawr mar ku dhawaaday in ay gool ka dhaliyaan iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 78-aad ayuu xulka Austria dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Michael Gregoritsch ka hor inta uuna xiddiga Marko Arnautović xulkiisa u dhalin goolka 3-aad daqiiqadii 89-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Austria sidaas ku gaadhay guushii ugu horaysay ee taariikhda tartanka Euro-da kadib markii ay 3 jeer oo hore ku fashilmeen.


Source: laacibfm

SHARE