Xulka Netherlands Oo Guul Ka Gaadhay Xulka Ukriane Kadib Kulan Xiiso Lahaa.

Xulka qaranka Netherlands ama Holland kolba sida aad u taqaanid ayaa guul ka gaadhay xulka Ukraine kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa Group-ka C ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab dar-dar leh iyada oo labada xul isku qaadayeen weeraro xilli xulka Netherland maamulayay kubada xilli Ukraine qaadayeen weeraro rogaal celis ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bilaa gool iyada oo ayna labada xul wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay heleen fursado fiican.

Laakiin qaybtii dambe ee ciyaar ayaa ahayd mid xiiso leh iyada oo labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 52-aad ayuu xulka Netherland dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gini Wijnaldum kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.

Xulka Netherland ayaa mar kale daqiiqadii 58-aad shabaqa soo taabtay iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Wout Weghorst kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulkiisu ku hogaaminayo

Xulka Ukraine ayaan is dhiibin waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayeen in ay ciyaarta ku soo laabtaan iyaga oo aan ka niyad jabin ciyaarta.

Daqiiqadii 75-aad ayuu xulka Ukraine dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Andriy Yarmolenko kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu xulkiisu dib ugu helay rajada ciyaarta

Isla daqiqiadii 79-aad ayuu xulka Ukraine dhaliyay goolka 2-aad ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Roman Yaremchuk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Xulka Netherland ayaa weerar tagay kadib markii laga dhaliyay 2 gool iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan hogaankeeda.

Daqiiqadii 85-aad ayuu xulka Netherland dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Denzel Dumfries kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 uu xulkiisu ku hogaaminayo ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Netherlands guul ku bilowday tartanka Euro 2020 iyaga oo waliba soo bandhgay qaab ciyaareed cajiib ah.


Source: laacibfm

SHARE