Xulka Qaranka England Oo Jabiyay Rikodh Xun Oo Tartanka Euro-da Ah.

Xulka Qaranka England ayaa gaadhay guul 1/0 ah oo ay ka gaadheen xulka Croatia kulan ka dhacay garoonka Wembley kana tirsanaa wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Gool uu dhaliyay xiddiga Raheem Sterling ayaa xulka qaranka England ka caawiyay in ay gaadho guul kulankeeda furitaanka ah ee tartanka Euro 2020 sanadkan.

Xulka Qaranka England ayaa markii ugu horaysay badiyay kulanka furitaanka tartanka Euro-da taariikhdooda kadib markii ay 1/0 kaga badiyeen xulka Croatia kulankii ka dhacay garoonka Wembley.

Kadib guushaas xulka England ayaa ka baxay rikoodhka xun ee guul la’aanta kulamada ugu horeeya taariikhdooda tartanka Euro-da iyaga oo ugu dambayn badiyay kulankooda ugu horeeya.

Xulka England ayaa ciyaaray 9 kulan bilowga tartamada yurub waxana laga badiyay 4 kulan halka ay bar-baro galeen 5 kulan oo kale.


Source: laacibfm

SHARE