Argentina Iyo Chile Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac Xilli Messi gool Cajiib Ah Dhaliyay

Argentina iyo Chile ayaa ku hishiiyay barbar dhac min hal gool ah waxa ayna wada ciyaareen kulankoodii ugu horeeyay ee wareegga koowaad ee tartanka Cope America

Sheekada labada qeyb: Labada qaran ayaa nasiinada ku aaday gool Argentina ay laheyd, qeybtaas iyaga ayaa fiicnaa inkastoo Chile cadaadiska ku bilaabeen ciyaarta

Ma jirrin fursado xaqiiq ah ee ay isku heleen waxa ayna kubadda ku badneyd Argetnina balse Chile waxa ay halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Goolka Argentina waxaa daqiiqaddii 33-aad si cajiib ah u dhaliyay Messi waxa ayna aheyd kubada Free Kick  ,xilli ay xusid mudan in qeybta hore ciyaarta aheyd mid iska deggan

Qeybta labaad , Chile kubadaha waa ay la soo baxsanayeen waxa ayna labada qaran ka sheeganayeen in afka hore si ka bad badis ah ay uga soo dhaqaaqayeen

Chile kubado gool ah waxaa u diiday goolhayaha , ugu dambeyntiina rigoore ayaa loo dhigay waxaana laga qabtay Vidal , ka dibna birta ku  sii dhacday  waxaase shabaqa dhigay Vargas daqiiqadii 58-aad

Chile waa ay ku wacnaayeen in kubadda ka kala jaraan weerarka Argentina waxa ayna badalkoodii ugu horeeyya ku soo giliyeen Di Maria daqiiqadii68-aad waxaana sii racay Palacios

Argentina iyaga ayaa ku wacnaa in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Chile balse dhameystirka ayaa ka maqnaa halka Chile kubadaha rogaal celisa ah ku tiirsanaayeen .

Marka la eego hanaanka ciyaarta ee dhamaakdii , Argentina ayaa u dhaweyd gool balse wax aay ka sheegteen deg degsiimo oo go`aanada si saxan uma aysan qaadaneyn  halka Chile difaac iyo rogaal celis ku tiirsanaayeen

Argentina fursado ayay heleyeen dhamaadkii , maamulka kubaddana waa ku sareeyeen , waxa ayna daqiiqadi 81-aad soo giliyeen Aguero ,


Source: laacibfm

SHARE