Bernardo Silva Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man City.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Bernardo Silva ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man City inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Portugal ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga Man City ee horyaalka premier League iyo waliba in ay gaadho final-ka champions League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Qaab ciyaareedka Silva ayuu hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 2 gool sidoo kale 6 kale caawiye ka noqday isaga oo kaliya ku bilowday 24 kulan oo ka mid ah 38-kii kulan ee ay kooxdu ciyaartay.

Waxa jiray warar sheegaya in ay Man City diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga kuna badalato xiddiga Atletico Madrid ee Saul Niguez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan

Si kasta ha ahaatee Saxafiga Duncan Castles ayaa sheegaya haatan in uu Bernardo Silva go’aansaday in uu isaga tago kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba raadsado tartan cusub.


Source: laacibfm

SHARE