Carlo Ancelotti Oo Maamulka Real Madrid U Sheegay In Uu Doonayo Xiddig Chelsea U Ciyaara.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa u diray codsi ah in suuqa xagaagan loo keeno xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Timo Werner sida ay sheegayaan wararku.

Carlo Ancelotti Ayaa ku soo laabtay shaqada Real Madrid markii 2-aad isaga oo shaqada ka badalay Zidane oo isaga tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Tababare Ancelotti ayaa haatan isku diyaarinaya in uu dhiso koox xilli ciyaareedka dambe ku tartana koobab sidoo kale soo bandhigta qaab ciyaareed cajiib ah.

Wargayska Fichajes ayaa sheegaya in uu Ancelotti maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo saxiixa xiddiga Timo Werner si uu ugu xoojiyo weerarka kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Timo Werner ayaa ku soo biiray chelsea xagaagii hore waxana uu ku dhibaatoooday Blues inta badan xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin waxa uu kooxda ka caawiyay in ay ku guulaysato champions League League.


Source: laacibfm

SHARE