Chelsea Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Achraf Hakimi

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Achraf Hakimi xilli ay doonayso in ay dhamaystirto xiddiga suuqa xagaagan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa dhaliyay 7 gool 12 kalena caawiye ka noqday 45 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Chelsea iyo PSG ayaa la rumaysanyahay in ay ku tartamayaan saxiixa xiddiga Achraf Hakimi kaas oo uu 4 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Inter Milan.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay dalab furitaan ah oo ay ka gudbisay xiddiga kaas oo ahaa 43 milyan iyo waliba xiddigaha Davide Zappacosta, Mateo Kovacic, Emerson Palmieri ama Tammy Abraham.

Laakiin Inter Milan ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyaga oo u sheegtay in ay kaliya doonayso lacag kaash ah oo ayna doonayn in ay xiddigu hesho qayb ka mid ah lacagta.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa haatan sheegaya in ay chelsea dalab cusub oo ka fiican midkii hore ka gudbisay inkasta oo aan la shaacin qiimaha lacageed ee ay miiska saartay.


Source: laacibfm

SHARE