Jose Mourinho Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kulankii Uu Xulka England Ka Badiyay Croatia

Tababaraha kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa sheegay in uu xiddiga Kalvin Phillips ahaa midkii ugu fiicnaa xulka qaranka England kulankii ay 1/0 uga badiyeen xulka Croatia Axadii.

Xulka England ayaa guul ku furtay tartanka Euro 2020 kadib markii uu Raheem Sterling dhaliyay goolka qaybtii dambe ee ciyaarta sidaasna ku gaadhay guul kulankooda ugu horeeya tartanka.

Kalvin Phillips ayaa sabab u ahaa goolka kadib markii uu caawin cajiib ah u sameeyay Sterling kaas oo isna goolka dhex dhigay kubada sidaasna ugu hogaamiyay guul xulkiisa.

Jose Mourinho ayaana sheegay in uu xiddiga 25 jirka ah soo bandhigay shaqsuyada cajiib ah inkasta oo uu kaliya kulankii 9-aad u ciyaaray xulkiisa.

Markii la waydiiyay xiddigii ugu fiicnaa kulanka Mourinho ayaa ku jawaabay”Waa in aan idhaahdo Kalvin Phillips”.

“Ugu horayn waa arin la yaab leh in uuna lahayn khibrad ciyaaraha caalamiga ah hadana waxa uu soo bandhiay qaab ciyaareed cajiib ah”.

“Waxa uu muujiyay shaqsiyada cajiib ah”ayuu sii raaciyay


Source: laacibfm

SHARE