Kooxaha Man United & Man City Oo Looga Horeeyo Baacsiga Loogu Jiro Saxiixa Jack Grealish, Koox Ayaa Si Dhab Ah U Doonayso.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ugu cadcad tahay la soo saxiixashada kabtanka Aston Villa Jack Grealish xagaagan.

Xiddiga 25 jirka ah oo haatan xulka qaranka England kala qayb galaya tartanka Euro 2020 ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii damaaday isaga oo dhaliyay 7 gool 12 kalena caawiye ka noqday 27 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Grealish ayuu wali wax 4 sano ka badan uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Aston Villa laakiin waxa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo Man City kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay Fichajes, kooxda chelsea ayaa haatan ugu cad-cad in ay la saxiixato xiddiga kubad sameeyaha ah inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Grealish ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu ku soo laabtay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.


Source: laacibfm

SHARE