Kulamada Euro 2020 & Copa America Ee Maanta La Ciyaari Doono

Waxa sii socon doona kulamada xiisaha leh ee tartamada Euro 2020 iyo Copa America 2021 iyada oo la ciyaari doono kulamo xiiso leh oo la wada sugayo.

Tartanka Euro 2020 ayaa gali doona maalintiisii 4-aad halka tartanka Copa America gali doono maalintii 2-aad kadib markii uu xalay wakhti dambe bilowday.

Xulka Scotland ayaa la ciyaari doona xulka Cezch Repablic kulan soo gali doona 4 galabnimo kaas oo ay labada xulba isha ku hayaan in ay guul iyo 3-da dhibcood helaan

Xulka Poland ayaa 7:00 Fiidnimo la ciyaari doona xulka Solvakia kulan labada xul sidoo kale doonayaan in ay guul ku bilowdaan tartanka.

Ugu dambayn tartamada yurub kulanka ugu xiisaha badan ayaa ah kulanka dhexmari doona xulalka Spain iyo Sweden kulan si gaar ah loo sugayo oo soo gali doona 10:00 habeenimo.

Dhanka kulamada Copa America xulka Argentine ayaa kulan adag la ciyaari doona xulka CHile 12:00 Habeenimo kulan uu Lionel Messi hogaamin doono xulka qarankiisa.


Source: laacibfm

SHARE