Maxuu Casemiro Ka Yiri Guushii Ay Ka Gaareen Venezuela Ee Coppa America ?

Kabtanka qaranka Brazil eee Casemiro ayaa ka hadlay muhiimadda ay laheyd guushii ay ka gaareen Venezuela ee Copa America

Labada qaran ayaa wada ciyaaray kulankoodii ugu horeeyay ee tartankaas waxaana sedex gool ku badisay Brazil

Venezuela ayaa kulanakas ka sheegatay in xiddigo badan uu ka haleelay xanuunka Karoona waliba u ahaa kuwoodii ugu muhiimsanaa.

ESPN ayuu laacibkaan Real ka yiri ” qasab ayay aheyd in aan guushaan gaarno marka laga yimaado daruufaha karoonaha uu reebay sanadkaan”

” Venezuela kubad wacan oo daafac ah ayay ciyaarayeen balse Brazil waxa ay ku fiicnaayeen dhaq dhaqaaqa sedexda galka dambe”

“Waxaan ciyaartooyda Brazil ugu baaqayaa in ay muujiyaan mar waliba rabitaan guul ah , dagaalna u galaan waxii awoodooda ah in ay soo qufaan”.

” Maaliyadda qaranka Brazil waa culus tahay , waana qasab in tartankaan iyo is reeb reebka koobka aduunkaba muujinno muhiimada guusha” ayuu sii raaciyay Casemro


Source: laacibfm

SHARE