Real Betis Oo Ka Jawaabtay Dalab Ay Arsenal Ka Gudbisay Saxiixa Nabil Fekir

Kooxda Real Betis ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday dalab ay Gunners ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Nabil Fekir.

Mikel Arteta ayaa doonayay in uu Nabil Fekir ku bilaabo suuq xagaa oo mashquul ah si uu u dhiso kooxda Arsenal kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay soo qaadatay koxdu.

Arsenal ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga kooxda Real Betis ee Nabil Fekir kaas oo uu Mikel Arteta u doonayay badalka Martin Odegaard kaas oo ka tagay kooxda Arsenal kadib markii uu dhamaystay amaahdii uu kula jogay kooxda.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Nabil Fekir si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagagaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Laakiin kooxda Real Betis ayaa isla markiiba diiday dalabkii Gunners iyaga oo u sheegay in uuna xiddiga Nabil Fekir iib ahayn suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababaraha Real Betis ee Manuel Pellegrini ayaa si aad ah u doonaya in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga ama ay iibinayaan xiddiga hadii ay kaliya hesho dalab aad u sareeya


Source: laacibfm

SHARE