Real Madrid Oo Horumar Ka Samaysay Wadahaladii Heshiis Kordhinta Ahaa Ee Ay Kula Jirto Sergio Ramos.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal dheeri ah la yeelatay Sergio Ramos kuwaas oo ku saabsan heshiis cusub sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca dhexe oo 16 sano ku qaatay Real Madrid ayaa haatan ku jira todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo dhamaadka bishan xor noqon doona.

Si kasta ha ahaatee Sida laga soo xigtay AS kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga 35 jirka ah iyaga oo ka saxiixan doona heshiis 12 bilood ah si uu kooxda u sii joogo.

Wararka ayaa sheegaya in uu Ramos ogolaaday in uu sii joogo kooxda kadib markii uu Carlo Ancelotti noqday tababaraha cusub ee kooxda.

Los Blancos ayaa doonaysa in ay sii haysto xiddiga xilli ciyaareedka dambe iyaga oo horumar ka sameeyay wadahaladii heshiiska cusub ee ay kula jirtay xiddiga.


Source: laacibfm

SHARE