Scott McTominay Oo Sharaxay Sababta Uu Ugu Dhaganyahay Lambarka No.39.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu ugu dhaganyahay Lambarka No.39 ee Man United.

McTominay ayaa ka dhaxlay lambarka xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Marcus Rashford iyada oo uu xiddiga reer Scotland noqday xiddiga kaliya ee Lambarka No.39 haysta ama xidha wax ka badan hal xilli ciyaareed.

Xiddigaha Tom Thorpe, James Chester, Fraizer Campbell, Paul Tierney & Luke Chadwick ayaa dhamaantood u soo xidhay Man United Lambarka laakiin xiddiga McTominay ayaa ah xiddiga kaliya ee sida joogtada ah ugu xidha kooxda.

“Lambarka No.39 waa mid khaas ah sida iska cad, marka ugu horeeya ee aad hesho Lambarkaagaga”ayuu McTominay U Sheegay manutd.com

“Ma jirto cid ii sheegtay in aan badalo Lambarka, mana jiro wax wadahadal ah oo aan arintaas ka qaadanay”.

“Ma jiraan wax laga yidhi lambarka, waanan ku qanacsanahay, wali ma codsan in aan iska badalo lambarka kamana fikirin arintaas, waan ku qancsanahay Lambarka No.39 haatan meel walba waxa aan ka arkaa Lambarka No.39 xitaa maskaxdayda”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE