Wakhtiga Ay Man United Dhamaystiri Karto Saxiixa Jadon Sancho Oo La Ogaaday

Kooxda Borussua Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay rumaysantahay in heshiiska uu Jadon Sancho ugu biirayo kooxda Man United la dhamaystiri doono dhamaadkan.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii ay Red Devils kor u qaaday dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Dortmund rumaysantahay in la dhamaystiri doono saxiixa xiddiga dhamaadka todobaadkan haatan lagu jiro.

Kooxda Man United ayaa dalab 69 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Dortmund ayaa isla markiiba diiday si kasta ha ahaatee United ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo ay ka gudbiso xiddiga.

Dhanka kale Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Jadon Sancho isaga oo todobaadkii mushahar ahaan uga qaadan doona lacag dan 350 kun oo Gini.


Source: laacibfm

SHARE