XASAASI: Koox Premier League Ah Oo Ku Dhaw In Ay Arsenal Ka Afduubato Saxiixa Ruben Neves

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ‘weli aad u xiiseyneyso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa haatan xulka qaranka Portugal kula sugan tartanka Euro 2020 waxana uu xiddig muhiim ah ka ahaa kooxda Wolves xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga reer Portugal ayaa si weyn loola xidhiidinayay kooxda Arsenal todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo xitaa wadahadalo la qaatay xiddiga si ay u helaan saxiixiisa.

Laakiin shabakada 90min ayaa sheegaysa in ay kooxda Man United haatan ugu cad-cadahay in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga Neves kadib markii ay dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay Man United soo xero galinta xiddiga Ruben Neves u adeegsanayso xiddiga Bruno Fernandes oo ay xidhiidh fiican leeyihiin iyaga oo waliba diyaaar la ah dalabka lacageed ee dhan 35 milyan ee euro.


Source: laacibfm

SHARE