Xulka Czech Republic Oo Garaacay Xulka Scotland & Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Tartanka Oo La Dhaliyay.

Xulka Czech Republic ayaa garaacay xulka Scotland kulan ka dhacay garoonka Hampden Park kulan laga dhaliyay goolkii ilaa haatan ugu quruxda badnaa tartanka Euro 2020.

Xulka Scotaland ayaa si fiican ku bilowday ciyaarta iyaga oo maamulayay kubada kana awood badnaa xulka Czech Republic Kuwaas oo aan si fiican ku bilaaban ciyaarta.

Laakiin daqiqiadii 42-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii uu xulka Czech Republic Dhaliyay goolka furitaanka dhaliyay xiddiga Patrik Schick kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Czech Republic hogaaminayo natiijada ciyaarta laakiin uu xulka Scotland ahaa mid fiican dhinaca kubad haysashada.

Qaybtii dambe ayuu xulka Scotland isku dayay in uu ciyaarta ku soo laabto iyaga oo qaaday weeraro halis galiyay xulka Czech Republic iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Laakiin xulka Czech Republic Ayaa mar kale dhaliyay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Patrik Schick kaas oo dhaliyay gool la odhan karo waa midka ugu qurux badan ilaaa haatan tartanka Euro 2020 isaga oo kubad meel dheer uga laaday goolka iyada oo uu goolhayuhu ka baxay booskiisa daqiqiadii 52-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Czech Republic gaadhay guul 2/0 kuna garaacay xulka Scotland oo marti loogu ahaa dalkooda


Source: laacibfm

SHARE