Chelsea Mise PSG? Achraf Hakimi Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Hadii Uu Ka Tago Inter Milan

Daafaca Inter Milan Achraf Hakimi ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu xagaaga u wareego Paris Saint-Germain Halkii uu ku biiri lahaa kooxda chelsea.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysigii Inter Milan ee horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin xaalad dhaqaale oo uu sababay xanuunka Korona dartiisa kooxda ayaa iska iibin doonta xiddiga.

Kooxaha chelsea iyo PSG ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga iyada oo Inter Milan haatanba dalabyo ka diiday labada kooxood.

Saxafiga reer France ee Romain Collet-Gaudin ayaa sheegaya in uu Hakimi doortay in uu ku biiro kooxda PSG si uu uga hoos ciyaaro tababaraha Mauricio Pochettino xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa iska diiday kooxda chelsea kana doortay ku biirista kooxda PSG iyada kooxda PSG haatan isku diyaarinayso in ay dalab cusub ka gudbiso saxiixa xiddiga reer Morocco.


Source: laacibfm

SHARE