Cristiano Ronaldo Oo Guul Dahab Ah Ku Hogaamiyay Xulka Qarankiisa Ciyaar Ay Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Goolashu Yimaadeen.

Xulka Portugal ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay Xulka Hungary  kulan dhinac kaliya ahaa oo uu xulka Portugal wax walba sameeyay ilaa intii ay goolasha heleen.

Xulka Portugal ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo aad mooday in ay tababar ku jiraan maadama uuna xulka Hungary wax weeraro ah qaadayn laakiin xulka Hungary ayaa difaac fiican ciyaaray iyaga oo u diiday in ay in gool dhaliyaan.

Xiddiga Diogo Jota ayaa xulkiisa ka khasaariyay fursad kadib markii uu bilowgii ciyaarta helay fursad fiican taas oo keentay in uu Cristiano Ronaldo si weyn uga xanaaqo.

Kadib Cristiano Ronaldo ayaa markiisa helay fursad uu gool ku dhalin karay laakiin Kabtanka xulka Portugal ayaa si lama filaan ah u khasaariyay isaga oo xitaa isagu u qaadan waayay fursada uu khasaariyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Portugal wax walba sameeyay marka laga reebo in ayna wax gool ah dhalin.

Qaybtii dambe ayuu xulka Portugal sii waday raainta goolasha xilli xulka Hungary sii waday difaacashada sidoo kale ciyaarayeen weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadiin80-aad ayuu Xulka Hungary dhaliyay gool lama filaan ah kadib markii uu xiddiga Schon dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga goolka dhaliyay.

Xulka Portugal ayuu goolkaas hurdada ka kiciyay waxana ay bilaabeen in ay sii xoojiyaan weerarkii ay ku qaadayeen xulka qaranka Hungary kuwaas oo ka niyad jabay goolkii laga diiday.

Daqiiqadii 84-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphael Guerriero kaas oo xulkiisa ka furay natiijada isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka Portugal ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 87-aad dhaliyeen goolka 2-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay waxana goolka u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo xulkiisa u dhaliyay goolka 2-aad.

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale muujiyay sababta uu u yahay xiddiga ugu fiican adduunka isaga oo gool wareer ah u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 90+2-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.


Source: laacibfm

SHARE