Cristiano Ronaldo Oo Isku Qoray Taariikhda Tartamada Euro-da.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda tartanka Euro-da kadib markii uu ku bilowday shaxda xulka Qarankiisa ee kulanka Hungary.

Xulka Portugal ayaa maanta bilaaban doona difaacashada koobka oo ay ku guulaysteen sanadkii 2016 markaas oo ay ka qaadeen xulka France tartanka oo lagu qabtay dalka France.

Xiddiga 36 jirka ah ee reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa noqday maanta xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda tartanka Euro-da ka qayb qaata 5 qaybood oo kala duwan.

Xiddiga khabiirka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa ka qayb qaatay tartanka Euro-da sanadaha (2004, 2008, 2012, 2016 & 2020) waana xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda sidaas sameeyay.


Source: laacibfm

SHARE