DEG-DEG: Xiddig Kale Oo Xulka Qaranka England Oo Dhaawac Looga Saaray Tartanka Euro 2020 & Badalkiisa Oo Lagu Dhawaaqay.

Dean Henderson ayaa dhaawac uga baxay xulka England ee Euro 2020 waxaana Aaron Ramsdale loogu yeeray bedelka goolhayaha Manchester United.

Goolhayaha 24 jirka ah oo hal kulan u saftay xulka qarankiisa ayaa kaydka ku bilowday kulankii uu xulka England guusha 1/0 ah ka gaadhay xulka Croatia kulankii ka dhacay Wembley.

Si kasta ha ahaatee Henderson ayaa ku dhibaatoonayay dhaawac sinta ah waxana uu ku qasbanaaday in uu tababar kali ah qaato maalintii shalay ee Isniintii.

Haatan waxa la xaqiijiyay in uu xulka England go’aansaday in uu Goolhaye Henderson ku laabto Manchester si uu u sii wato daawayntiisa iyada oo badalkiisa loo yeedhay Goolhayaha Sheffield United ee Ramsdale.

“Aaron Ramsdale wuxuu badalay Dean Henderson kaas oo dhaawac uga baxay xiddigaha ka qayb galaya tartanka Euro 2020″ayuu xidhiidha FA-gu warbixin ku soo saaray maanta oo salaasa ah.


Source: laacibfm

SHARE