Heshiis Kordhinta Sergio Ramos Ee Real Madrid Oo La Xaqiijiyay.

Mustaqbalka Sergio Ramos ee Real madrid ayaa u muuqda mid la xalinayo xilli 15 maalin oo kaliya ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda Iyada oo wararkii ugu dambeeyay sheegaya in uu aqbalay heshiis hal sano ah.

Wareysiga uu siiyay Sky Sports, agaasimaha isboortiga Sevilla, Monchi ayaa sheegay in uu xiddigu heshiis cusub u saxiixi doono Real Madrid kadib markii wax laga waydiiyay wararka xiddiga la xidhiidhinaya kooxda Sevilla.

“Waa xiddig Real Madrid ah, Waxaan u maleynayaa inuu wadahadal kula jiro Real Madrid haatan waliba qalinka ku duugi doono heshiis cusub, intaas ayaa ah waxa aan kuu sheegi karo”ayuu yiri Monchi.

Maalmihii ugu dambeeyay Sergio Ramos ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashada Sevilla laakiin Agaasimaha ayaa hoos u dhigay wararkaas.

Sergio Ramos ayaa haatan ka soo kabsanaya dhaawac uu ku seegay tartanka Euro 2020 waliba ku dhibaatoonayay intii badnayd xilli ciyaareedkii dhamaaday.


Source: laacibfm

SHARE