James Rodriguez Oo Ka Hadlay Ku Laabashadiisa Real Madrid Kadib Markii Uu Carlo Ancelotti Tababare U Noqday Kooxda.

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka Everton James Rodriguez ayaa sheegay in ku laabashada Real Madrid aysan aheyn wax aan macquul aheyn laakiin sidoo kale aysan u badnayn in ay dhacdo  iyadoo la isla dhexmarayo inuu dib ula midoobi doono Carlo Ancelotti.

Xiddiag 29 jirka ah ayaa ku soo biiray Everton iyada oo uu Ancelotti tababare ka ahaa kooxda iyada oo uu dhaliyay 6 gool 5 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkisiii ugu horeeyay ee premier League.

Xidhiidhka uu la leeyahay Ancelotti ayaa ah mid fiican marka loo eego in uu kala soo shaqeeyay 3 kooxood oo kala duwan.

Xilli uu Rodriguez ka hadlayay arintaas ayuu yidhi”Ku laabashada Real Madrid iyo ka hoos ciyaarista Ancelotti? ma garanayo, uma malaynayo, waan eegi doonaa, hadii aan sii joogo Everton sanadk kale waa caadi”.

Rodriguez ayuu hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Everton iyada oo ayna kooxdu wali go’aan ka gaadhin in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Colombia.


Source: laacibfm

SHARE