Kadib Kulan Xiiso Lahaa Kulanka France Oo Guul Qaali Ah Ka Gaadhay Xulka Germany

Xulka qaranka France ayaa guul ka gaadhay dhigiisa Germany kulan ka tirsanaa kulankii ugu dambeeyay ee kulamada 1-aad ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Kulanka ayaa ahaa mid aad loo sugayay waliba ahaa mid aad u adag oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed ah mid walba doonayay in uu guul gaadho 3-da dhibcoodna isagu la boxo.

Labada xul ayaa isku jawaabayay dhanka weerarada iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah oo goolal laga dhalin karay xiddigaha labada xulbana dadaal waali ah u sameeyeen xulalkooda.

Daqiiqadii 20-aad ayuu xulka France helay goolka 1-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay daafaca dhexe ee Mats Hummels kaas oo hogaanka u dhiibay xulka France.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican laakiin xulka France ciyaarta ku hogaaminayo gool uu Germany iska dhaliyay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada xul ku bilowdeen si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dhankooda u leexiyaan halka uu xulka Germany goolka bar-baraha doonayay halka xulka France doonayay in ay dilaan ciyaarta.

Xulka France ayaa laba gool kala dhaliyay iyaga oo ay u dhaliyeen xiddigaha Kylain Mbappe iyo Karim Benzema laakiin labadaas gool ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside ay ku jireen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France gaadhay guul muhiim ah oo tartanka Euro 2020 ah xilli uu Germany xaalku wali ku xunyahay.


Source: laacibfm

SHARE