Kadib Rikodhkii Taariikhiga Ahaa Ee Uu Dhigay Cristiano Ronaldo, Wax Ka Baro 10-ka Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Tartanka Euro 2020.

Xiddiga kooxda Juventus iyo Xulka Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka Euro-da kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay xulka Hungary.

Cristaino ayaa booska kala baxay Halyeeyga reer France ee Michel Platini oo ay markii hore isku goolal ahaayeen laakiin haatan isaga ayaa kali ku noqday rikoodhkaas taariikhiga ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa hogaaminaya xiddigo isku qoray taariikhda tartanka ahna kuwa ugu goolasha badan taariikhda Euro-da waliba dhaliyay goolal aanay dhalin xiddigo kale.

Cristiano ayaa dhaliyay 11 gool tan ilaa 2004 intii uu ciyaarayay tartanka Waxana uu noqday xiddiga ugu oolasha badan taariikhda Euro-da.

Waxa ku xiga Halyeeyga reer France ee Michel Platini kaas oo dhaliyay 9 gool isaga oo ku jira kaalinta 2-aad kadib markii uu 9 gool ka dhaliyay kaliya hal tartan oo euro-da ah.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo Liiska 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda Euro-da.

1.Cristiano Ronalado: 11 Gool

2.Michel Platini: 9

3.Alan Shearer: 7

4.Patrick Kluivert: 6

5.Thiery Henry: 6

6.Nuno Gomes: 6

7.Ruud Van Nistelrooy: 6

8.Zlatan Ibrahimović: 6

9.Wayne Rooney: 6

10.Antoine Griezmann


Source: laacibfm

SHARE