Kulamada Maanta La Ciyaari Doono Tartanka Euro 2020, Waa Kulamada Ugu Xiisaha Badan Tartanka

Maanta waxa si Rasmi ah loo soo afjari doonaa kulamada 1-aad ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyada oo la ciyaari doono Group-ka sida weyn loo sugayo ee F.

Group-kan ayaa lagu sheegaa midka dhimashada marka loo eego in ay ku jiraan 4 xul oo horay ugu soo guulaystay tartanka waliba ah kuwa ugu magaca weyn qaarada yurub.

Xulka Portugal oo difaacanaya tartanka ayaa la ciyaari doona xulka Hungary kulan la filayo in uu xulka Portugal guul fudud gaadho waliba soo gali doona 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Kulanka ugu adag tartanka ee ay taageerayaashu sugayaan ayaa kulanka dhexmari doona xulalka France iyo Germany kaas oo soo gali doona 10:00 habeenimo wakhtiga Somaliya.


Source: laacibfm

SHARE