Lionel Messi Oo Cristiano Ronaldo Ku Dhaafay Rikoodh Khaas Ah Kadib Goolkii Chile.

Lionel Messi ayaa tartanka Copa America ku bilowday gool cajiib ah kadib markii uu laad xor ah ka dhaliyay xulka qaranka Chile kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka.

Messi ayaa gool laad xor ah oo toos ah dhaliyay daqiiqadii 57-aad waxana uu sidaas ku noqday xiddiga ugu badan ee taariikhda kubada cagta ka dhaliyay laadka xorta ah.

Lionel Messi ayaa dhaafay xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo kaas oo markii hore la bar-baro ahaa dhinaca laadadka xorta ah.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa markii hore wada dhaliyay min 56 laad xor ah laakiin Lionel Messi ayaa xalay kulankii Chile dhaliyay goolkiisii 57-aad ee laadka xorta ahaa.

Messi ayaa 50 laad xor ah u dhaliyay kooxda Barcelona halka uu 7 kale u dhaliyay xulka qarankiisa Argentine xilli uu Ronaldo 13 u dhaliyay Man United, 32 u dhaliyay Real Madrid iyo 10 xulka Portugal ah.


Source: laacibfm

SHARE