TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Isku Qoray Taariikhda Tartanka Euro Kadib Labadii Gool Ee Uu Ka Dhaliyay Hungary.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda tartanka Euro-da kadib markii uu noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay xulka Hungary.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhaafay Halyeeyga reer France ee Michel Platini kaas oo markii hore ahaa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka Euro-da.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 11-aad ee tartamada euroda isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka kadib markii uu dhaafay Michel Platini.

Cristiano ayaa goolkiisii ugu horeeyay dhaliyay sanadkii 2004 markaas oo uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaro xulka Portugal kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka.


Source: laacibfm

SHARE