Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Erling Haaland, Imisa Ayay Miiska Saartay.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo 60 milyan iyo xiddiga Tammy Abraham ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Saxafiga Ekrem Konur ayaa sheegaya in ay chelsea dalab Furitaan ah oo 60 milyan iyo xiddiga Abraham ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Haaland.

Dortmund ayaa ilaa haatan ku adkaysanaysa in ay doonayaan lacag dhan 150 milyan oo euro hadii ay fasaxayaan xiddiga.

Laakiin suurtagalnimada ay Abaraham ugu helayaan badalkiisa iyo waliba lacagta 60-ka milyan ah oo ku dhaw lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ee 68-ka milyan ah xilli ciyaareedka dambe ayaa soo jiidan karta Dortmund.


Source: laacibfm

SHARE