DEG-DEG: Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gubdisay Xiddig Ka Ciyaara Premier Leageu Laakiin…

Arsenal ayaa Laga Diiday Dalab Rasmi ah oo ay ka gudbisay daafaca dhexe ee kooxda Brighton ee Ben White sida ay sheegayaan wararka haatan ka imanaya dalka England.

Kooxda Arsenal ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe kadib markii ay Iska Fasaxday David Luiz oo qaab xor ah uga tagay markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa dalab 40 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Ben White kaas oo ay u aragto badalka tooska ah ee David Luiz si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa dalab 40 milyan ah miiska u saartay kooxda Brighton laakiin Isla markiiba waxa laga diiday dalabkaas iyada oo Brighton doonayso lacag intaas ka badan.

Laakiin wadahadalada labada kooxood ayaa wali socda waxana la filayaa in ay Arsenal dalab cusub kula laabato kooxda Brighton si ay u hesho xiddiga reer England.

Xiddiga Ben White ayaa haatan xulka qarankiisa England kala qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 waxana la filayaa in ay Brighton dalbato lacag intaas ka badan.


Source: laacibfm

SHARE