DEG-DEG: Sergio Ramos Oo Ku Dhawaaqay Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalka Real Madrid, Miyuu Baxayaa Mise…?

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku dhawaaqi doona inuu ka tagayo kooxdiisa kaliya labo isbuuc ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhamaan.

Ramos ayaa shir qaban doona maalinta khamiista ee bari si uu u xaqiijiyo go’aankiisa Xilli uu heshiiskiisu dhici doono 30 bishan haatan lagu jiro iyada oo aan heshiis cusub laga saxiixin xiddiga.

Real Madrid ayaa u soo bandhigtay Ramos heshiis hal sano ah iyo waliba in uu 10% hoos u dhigo mushaharkiisa inkasta oo uu xiddigu doonayay ugu yaraan heshiis 2 sano ah.

Xiddiga reer Spain ee Sergio Ramos ayaa isgaa tagi doona kooxda Real Madrid kadib 16 sano oo uu difaacay maaliyada kooxda Real Madrid.

Warkan ayaa imanaya inkasta oo ay maalmihii ugu dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in uu xiddigu diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Ramos ayaa Real Madrid u ciyaaray 671 kulan isaga oo u dhaliyay 101 gool sidoo kale kooxda kula guulaystay 22 koob 16-kii sano ee uu joogay kooxda laakiin waxa uu xaqiijiyay in uu boorsooyinkiisa ka qaadan doono kooxda uu halyeeyga ka yahay.


Source: laacibfm

SHARE