Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Ay Arsenal Ugu Jirtay Andre Onana

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna wali dalab Rasmi ah ka gudbin goolhayaha kooxda Ajax ee Andre Onana Sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha 25 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa In uu isaga tagayo kooxda Ajax xilli ay kooxda Arsenal hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Goal, Gunners ayaa wadahadalo kula jirtay wakiillada Onana bilihii la soo dhaafay, laakiin weli ma aysan go’aansan haddii ay doonayaan inay xoojiyaan baacsiga goolhayaha.

Onana ayaa ku jira ganaax hal sano ah kadib markii laga helay daroogo aan loo ogolayn xiddigaha kubada cagta ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee Goolhayaha ayaa racfaan ka qaatay iyada oo laga yareeyay ganaaxa haatana aroomada ku soo laaban kara bisha November ee sanadkan haatan lagu jiro.


Source: laacibfm

SHARE