Kulamada Euro 2020 Ee Maanta La Ciyaari Doono.

Waxa maanta bilaaban doona kulamada 2-aad ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020 kadib markii xalay la soo afjaray kulamada 1-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Sidii caadada ahayd waxa la ciyaari doonaa 3 kulan iyada oo laba kulan oo Group A ah iyo hal kulan oo Group B ah la ciyaari doono maanta.

Kulanka ugu horeeya ayaa ah kulanka ay wada ciyaari doonaan xulalka Finaldn iyo Russia kuwaas oo kuwaas oo isaga hor iman doona garoonka Krestovsky Stadium 4:00 Galabnimo wakhtiga Somaliya.

Kulanka kale ayaa ah kulanka ay isaga hor iman doonaan labada xul ee Turkey iyo Wales kulan soo gali doona 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Ugu dambayn kulanka ugu adag ayaa ah kulanka dhexmari doona xulalka Italy iyo Switzerland kaas oo soo gali doona 10:00 Habeenimo wakhtiga Somaliya


Source: laacibfm

SHARE