Lambarka Ay Man United Siin Doonto Jadon Sancho Oo La Ogaaday.

Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu iska dhiibo lambarkiisa 7aad hadii Jadon Sancho uu ku biiro Manchester United Inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Red Devils ayaa wali wada wadahalada ay kula jirto Dortmund si ay u hesho xiddiga 21 jirka ah suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

United ayaa aad u doonaysa Sancho waxana la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddiga da’yarka ah ka dhigto xiddiga 1-aad ee kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Eurosport, madaxda Man United waxay doonayaan Sancho inuu xirto lambarka caanka ah ee No.7 kaas oo uu haatan kooxda u qaato xiddiga Edinson Cavani.

Wararka ayaa sheegaya in Cavani oo dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub uu diyaar u yahay in uu Lambar cusub qaato hadii uu Sancho ku soo biiro kooxda suuqa xagaagan.

Manchester United shirt numbers available to transfer target Jadon Sancho - Manchester Evening News


Source: laacibfm

SHARE