Shanta Xiddig Ee Ugu Fiican Wareegii 1-aad Ee Euro 2020 Oo La Soo Saaray.

Shabakda Caalamiga ah ee WhoScored ayaa soo saartay shantii xiddig ee ugu fiicana kulamadii 1-aad ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Waxa la soo afjaray kulamadii wareega 1-aad ee tartanka iyada oo maanta la bilaabi doono wareegii 2-aad ee tartanka waxana WhoScored soo saartay 5-tii xiddig ee ugu fiicnaa.

WhoScored ayaa soo xulatay xiddigigii laadka ugu badan ku laagay goolka, xiddigihii sameeyay baasaska ugu badan ee muhiimka ah, xiddigii sameeyay baasaska ugu badan, Goolhayihii sameeyay badbaadinta ugu badan iyo xiddigii kubada ugu badan dilay.

WhoScored ayaa 5 xiddig u aqoonsatay xiddigihii ugu fiicnaa wareega 1-aad kadib markii ay ku qiimeeyeen qodobada kor ku xusan ee aan soo sheegnay.

5-ta xiddig ee ay dooratay 4 ka mid ah waxa ay u ciyaaraan xulalka aan la filayn in ay ku gulaystaan tartanka marka laga reebo David Alaba oo u ciyaara xulka Spain.

Image


Source: laacibfm

SHARE