Shaxda Ugu Fiican Kulanka Ugu Horeeya Ee Wareega Group-yada Copa America Oo La Soo Saaray.

Kulamadii 1-aad ee wareega Group-yada tartanka Copa America ayaa la soo afjaray iyada oo 8 ka mid ah 10 kooxood ciyaareen waliba heleen natiijooyin fiican bilowga tartanka.

Xulalka Brazil, Colombia iyo Paraguay ayaa dhamaantod ku raaxaystay bilow cajiib ah iyaga oo guulo u bilowday soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulka Brazil ee marti galinaya tartanka ay guul 3/0 ah ka gaadhay xulka Venezuela iyaga oo guul ku bilowday difaacashada koobka ay markii ugu dambaysay ku guulaysteen.

Colombia ayaa kula biiray kaalinta 1-aad ee Group A kadib markii ay 1/0 ku garaaceen xulka ay jaarka yihiin ee Ecuador.

Dhanka kale Argentina ayaa bar-baro la gashay kooxda Chile inkasta oo uu Lionel Messi gool cajiib ah u dhaliyay xulka qarankiisa.

Kadib kulamada todobaadka waxa lau soo xidhay xulka Paraguay oo guul 3/1 ah ka gaadhay xulka Bolivia iyaga oo kaalinta 1-aad u galay Group-ka.

kadib natiijooyinkaas waxa la soo saaray shaxda todobaadka ee Copa America kadib markii la ciyaaray kulamada 1-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Copa America TOTW 1


Source: laacibfm

SHARE