Shaxda Ugu Fiican Wareega 1-aad Ee Euro 2020 Oo La Soo Saaray

Waxa la soo afjaray kulamada 1-aad ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyada oo ay soo bexeen natiijooyin lama filan ah xilli ay xiddigo badan qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.

Xulalka Poland, Scotland, Denmark iyo kuwo kale oo badan ayaa si lama filaan ah looga badiyay tartanka inkasta oo ay ugu cad-cadaayeen in ay guulo gaadhaan kulamadan.

Xulalka Belguim England, Portugal, France, Italy iyo xulal kale oo waaweyn ayaa dhankooda gaadhay guulo waliba muujiyay in ay u tartami karaan koobka halka xulalka Spain iyo Germany yihiin labada xul ee waaweyn ee aan wax guul ah gaadhin.

Kadib kulamadii la ciyaaray wareega 1-aad waxa la soo saaray shaxda ugu fiican wareega 1-aad iyaga la soo xushay xiddigihii qaab ciyaareed fiican dhigay.

Xulka Italy ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib guushii ay ka gaadheen xulka Turkey kulankii ugu horeeyay tartanka.

Dhanka kale xulka Austria ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka uu xulka Portugal sidoo kale shaxda ku leeyahay laba xiddig.

Xulalka Belguim, Slovakia, Finland iyo Czech Republic ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig.


Source: laacibfm

SHARE