Tartanka Euro 2020 Oo Laga Diwaan Galiyay Rikoodh Aan Horay Uga Dhicin Taariikhda Tartanka

Daafaca dhexe ee Germany Mats Hummels ayaa noqday ciyaaryahankii seddexaad ee gool iska dhaliya Euro 2020 markii uu kubada dhex-dhigay goolka xulkiisa kulankii uu xulka Germany guuldarada 1/0 ah kala kulmay xulka France kulan ka tirsanaa euro 2020.

Kadib goolkaas uu daafaca Mats Hummels sida khaldan uga dhaliyay goolka xulkiisa tartanka Euro 2020 ayaa bar-bareeyay rikoodh ka yaalay taariikhda tartanka.

Goolhayaha Poland ee Wojciech Szczesny iyo daafaca xulka Turkey ee Merih Demiral ayaa sidoo kale si khaldan gool uga dhaliyay xulalkooda kulamadii hore ee ay ciyaareen.

Kadib goolkaas tartanka Euro 2020 ayaa noqday tartankii ugu badanaa ee goolal khalad ah la iska dhaliyo marka loo bar-bar dhigo dhamaan tartamadii hore ee la ciyaaray tartanka.


Source: laacibfm

SHARE