Xulka Qaranka Russia Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Xulka Finland.

Kulan ka tirsanaa wareegii 2-aad kana tirsanaa wareega Group-yada tartanka Euro 2020, xulka Russia ayaa guul ka gaadhay xulka Finland kulan adkaa oo ku dhamaaday 1/0 kulan ka dhacay garoonka Krestovsky Stadium.

Xulka finland ayaa ciyaarta ku bilawday cadaadis layaableh waxayna ku guulaysteen inay shabaqa soo taabtaan iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Joel Pohianbalu daqiiqadii 5-aad laakiin farxada xulka Finland ayaa la joojiyay kadib markii VAR diiday Goolka sabab la xidhiidha Offside.

Daqiiqado kahor dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta Xulka Russia ayaa dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu daqiiqadii 45+2-aad gool u dhaliyay xiddiga Alexei Miranchuk kaas oo ciyaarta ku soo xidhay 1/0 uu xulka Russia Ku hogaaminayay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Russia ayaa abuuray fursado dheeri ah laakiin ma aysan ka faa’iideysan halka uu xulka Finland ku adkayd in ay gool ka dhaliyaan xulka Russia.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Russia Sidaas ku gaadhay guushii ugu horaysay ee tartanka Euro 2020 kadib markii laga badiyay kulankoodii hore ee wareega 1-aad.


Source: laacibfm

SHARE